Sababta Hoggaaminta Firdhiye U Gaabinayso

W.Q: Siciid M. Sheekh Cali

Marxuum Galaydh wuxuu isagoo ahaa hoggaamyihii Khaatumo heshiis la galay maamulka Somaliland 2017kii.

Buuhoodle (Faallo) — Dhowr bilood ka hor wuxuu hoggaamiyaha Sool, Sanaag iyo Cayn ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) sheegay inuu u tartami doono doorashada hoggaaminta maamulka ku meelgaarka oo dhici doonta 2025ka. Haddii uusan sixin gefefkiisa siyaasadeed way adkaan doontaa inuu dhammaysto muddo xileedkiisa, iskaba dhaaf inuu muddo xileed kale u tartamo.

Culaab siyaasadeed

Wuxuu hoggaamiyaa maamul magac ahaan ka soo jeeda ururkii SSC uu hoggaaminayay Saleebaan Xaglatosiye, oo ku biiray maamulka Somaliland, iyo maamulkii hanaqaadi waayay ee Khaatumo oo ay soo hoggaamiyeen Axmed Karaash, oo ku biiray maamulka Puntland, Maxamed Yuusuf (Indhasheel), oo xilka ku wareejiyay marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo isagana 2017kii ku biiray maamulka Somaliland. Magac ahaan SSCK waa culaab siyaasadeed (political baggage).

Waa in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo.

Magac ahaan SSCK waa caqabad weyn oo hortaagan in maamulku helo sharciyad waayo waa culaab siyaasadeed ee dhowr isku day oo hore u fashilmay. Waa magac lagu qancinayay taageerayaashii dhowrkaas isku day siyaasadeed. Muuse Biixi, madaxwenyaha maamulka Somaliland, ayaa 2023kii ku dooday inuu maamulkiisu heshiis la galay SSC iyo Khaatumo, oo kuwa kaga soo horjeeda Laascaanood ay yihiin “Al-shabaab”. Dooddiisu ma soconin, hase ahaatee ma aha mid meesha ka saaraysa in loo baahan yahay in magacan isku raranka ah meesha laga saaro.

Axmed Karaash wuxuu ku biiray Maamulka Puntland kaddib markuu noqday hoggaamiyihii Khaatumo.

Gaabinta hoggaaminta Firdhiye waxay ka dhex muuqataa sida uu wax uga qaban waayay Wasiirka Warfaafinta Khaatumo Najiib Barkhadle oo dhowr jeer ku tilmaamay dadka SSCK ka soo jeeda ku jira maamulka Puntland “sida Hindi soo shaqatagtay”. Hadalkan meel ka dhaca ah wuxuu soo baxay dhowr maalmood kaddib markii Firdhiye magacaabay guddi ka shaqeyn doona iskaashiga SSCK iyo Puntland. Booqashada Firdhiye ku taagay Buuhoodle waxay muujisay sida uu ugu sifoobay inuu yahay hoggaamiye dhinac keliya oo Buuhoodle “jeebka ugu jira”, sida nin reer Buuhoodle ah ii sheegay. Ka sokow Wasiirka Warfaafinta, waxaa la taliye u ah Firdhiye rag uu ka mid yahay Cabdikariim Xasan Jaamac. Firdhiye ilaa hadda kama hadlin sababta uu uga qeybgali waayay martiqaadka ay u fidiyeen isaga madaxdhaqameedka Reer Hagar. Ka maqnaanshihiisa martiqaadka waxay bixisay farriin ah inuu ka horjeedo in Reer Hagar yeeshaan Garaad u gaar ah. Firdhiye oo ku sugan Buuhoodle ayaa gargaarka (oo cunto iyo lacag iskugu jira) uu Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) soo dhiibay la bililaqaystay. Maamulka SSCK arrintaas kama hadlin.

Warqad ku saabsan hakinta gargaarka uu Barnaamijka Cuntada Adduunku u fidiyo degmooyinka SSCK qaarkood.
Maxamed Yuusuf (Indhasheel) wuxuu xilka ku wareejiyay marxuum Galaydh.

Xiisadda Ceerigaabo

Firdhiye si fiican ugama hadlin xaaladda kacsan ee Ceerigaabo. Wuu og yahay in Ceerigaabo lagu deggan yahay heshiis dhacay 1995kii oo dhowr Garaad ka qeybgaleen. Waxay ahayd inuu wadatashi u sameeyo beesha Naleeye Axmed si ay iskugu raacaan aragti ku saabsan sida ay u degganaanayaan Ceerigaabo maadaama maamulka SSCK uu aamminsan yahay in maamulka Somaliland maamulo Ceerigaabo. Ninkii dilay Cali Baashi weli laguma soo wareejinin gacanta maamulka SSCK. Arrintaas maamulka Firdhiye waxba kama qabanin. Wuu isku eegtay dadka eedda kala tirsanaya.

SSCK iyo Dowladda Federaalka

Waxa kale oo jirta in Wasiirka Maaliyadda SSCK Cabdiqani Hiirad uu bil ka hor ka sheegay Muqdisho in dowladda Federaalka Soomaaliya ay lacag ku taageerto maamulka SSCK. Ma jirto wax caddayn ah oo arrintaas ku saabsan oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda SSCK ama Baarlamaanka Khaatumo. Ma ballanqaad ayuu wasiirku ku tilmaamay taageero? Baarlamaanka Khaatumo wuxuu ku baaqay in Puntland iyo Jubaland lagala tashado wax ka beddelka dastuurka federaalka.

Saleebaan Xaglatoosiye wuxuu ahaa hoggaamiyihii SSC ka hor intuusan ku biirin maamulka Somaliland.

Toddobaadkan Madaxweyne ku xigeenka SSCK Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil wuxuu, isagoo magaca maamulka ku meelgaarka ah ee SSCK ku hadlaya, taageeray, doorashada uu ku guulaystay Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam. Ma jiro xiriir dhisme-kalkaal ah oo dhexmari kara SSCK iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya Puntland iyo Jubaland oo ka maqan Golaha Wadatashiga Qaran, dalkana ay dul heehaabayaan colaad siyaasadeed iyo ku xadgudub dastuurka federaalka ah.

Sababha kor ku xusan awgood waxaa habboon in Firdhiye ka fekero aayihiisa siyaasadeed iyo aayaha dadka samaystay maamulka ku meelgaarka uu hoggaamiyo. Looma baahnayn inuu noqdo hoggaamiye dad gaar ah ay u tilmaamaan dadka uu la kulmayo, iyo hoggaamiye aan dhowri karin iskaashiga SSCK iyo Puntland oo ah maamulka keliya aqoonsan SSCK.

W.Q: Siciid M. Sheekh Cali