Booliska Somaliland oo sheegay in ay qabteen eedaysan loo haysto dil maanta ka dhacay Hargeysa

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeem eedaysane loo haysto dil maanta oo Jimce ah ka dhacay magaalada Hargeysa.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Somaliland ayay ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen eedaysane Maxamed Baashe Faarax oo loo haysto dil maanta ka dhacay degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa.

Maxbuus Maxamed Baashe oo da’diisu tahay 24 sano jir ayaa ku eedaysan dilka marxuum Khadar Xaashi Ismaaciil kadib markii uu ku dilay mindi sida uu sheegay Booliska Somaliland.

“Ciidamada Booliska JSL ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Maxamed Baashe Faarax Ina Khadra Badel 24 jir ah oo ku eedaysan in uu  maanta ku dilay degmada Maxamuud Haybe Marxuum Khadar Xaashi  Ismaaciil 37 jir ahaa” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska Somaliland.

Booliska Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in eedaysanaha baaris lagu samaynayo islamarkaana si deg deg ah sharciga la horgeyn doono.

PUNTLAND POST