
Dowladda Soomaaliya iyo dowladda dalka Serbia ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhinaca Amniga iyo tayeynta ciidamada ah.
Heshiiska labada dowladood waxa kala saxiixday wasiirka Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Ra’iisul wasaare Ku-xigeenka ahna wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga ee Serbia.
Qoraal kooban oo uu saaka soo saaray wasiirka Amniga Soomaaliya ayuu ku sheegay in heshiiskani uu yahay mid ku saabsan tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxaan maanta kala saxiixanay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Serbia, heshiis muhiim oo lagu xoojinayo xiriirka labada dal, gaar ahaan tababarrada iyo tayeynta ciidanka amniga Soomaaliya” ayuu yiri Fartaag.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.