Sen. Cabdiraxmaan Faroole oo si weyn uga digay in xiisadda laga abuuray Jubaland ay Soomaaliya u jihayso dagaal sokeeye

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland, ahna Senetar ka tirsan Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa ku baaqay in wada-hadal siyaasadeed lagu xalliyo xiisadda ka taagan Jubaland.

Senetar Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in uu aad uga walaacsan yahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ciidamo ku daabushay degaanno ka tirsan Jubaland, xilli uu khilaaf siyaasadeed xooggan u dhexeeyo Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe.

“Waxaan aad uga walaacsanahay wararka ku saabsan suurta-galnimada dagaal hubaysan oo ka dhaca Jubaland, kaddib markii cutubyada Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA) lagu soo daabulay gobolka Jubbada Hoose iyadoo loo adeegsaday diyaarado” ayuu yiri Sen. Faroole oo baaq ka soo saaray xiisadda Jubaland.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in uu jiro walaac weyn oo ah in Soomaaliya dib ugu laabato dagaal Sokeeye, haddii uu Jubaland ka bilowdo dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka ee loo diray halkaasi iyo ciidamada Jubaland, kaasi oo sababi kara bara-kac weyn oo shacab.

“Haddii dagaal ka dhaco Jubaland, oo dhex mara ciidamada SNA ee Muqdisho laga soo diray iyo kuwa Jubaland/ciidamada maxalliga ah ee taageeraya, waxaa jira walaac weyn oo ah in Soomaaliya ku sii socoto jihada dagaallo sokeeye, rabshadaha siyaasadeed, iyo barakaca weyn ee shacabka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynihii hore ee Puntland Sen. Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale, wuxuu ka digay in xiisadda laga abuurayo Jubaland ay wiiqayso dagaalka ka dhanka ah mileeshiyaadka Argagixisada ah ee Al-shabaab, islamarkaana uga sii darayso kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha ee Soomaaliya.

“Ciidamada SNA iyo kuwa Jubaland oo isku diyaarinaya inay adeegsadaan kheyraadkooda si wadajir ah oo ay uga hor tagaan argagixisada, taasoo khatar galinaysa la dagaallanka Al-Shabaab. Ciidamada SNA oo loo adeegsado danaha siyaasadeed, iyadoo ay dhici karto inay ka sii daraan kala qeybsanaanta siyaasadeed iyo rabshadaha gudaha dalka” ayuu yiri Faroole.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayuu sidoo kale kula taliyay in uu joojiyo dhammaan dhaq dhaqaaqyada ciidan ee uu ka abuuray Jubaland, islamarkaana ku baaqo wada-hadal siyaasadeed oo loo dhan yahay, si hoggaanka Jubaland dib loogu soo celiyo miiska wada-hadalka.

PUNTLAND POST