
Guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa maanta oo Khamiis ah doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen rasmi ah, sida lagu shaaciyay warsaxaafadeed ka soo baxay PEC.
Dhammaan xubnaha guddiga doorashooyinka Puntland oo ka kooban 14 xubnood ayaa cod gacan taag ah ku doortay guddoomiyaha rasmiga ah ee PEC Axmed Maxamuud Cumar oo horay u ahaa guddoomiye KMG ah.
“Guddoomiyaha Guddiga ayaa si buuxda loogu doortay Mudane Ahmed Mohamoud Omar oo horay u ahaa Guddoomiyaha KMG ah ee Guddiga mana jirin cid la tartantay” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay guddiga doorashooyinka.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Puntland ee PEC ayaa sidoo kale loo doortay Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq kadib markii ay cod gacan taag ah ku ansixiyeen dhammaan xubnaha PEC.
“Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga ayaa si rasmi ah loogu doortay mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq( Abdinur Sheikh), mana jirin cid la tartantay” ayuu sii raaciyay warsaxaafadeedka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.