Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud oo si rasmi ah uga mid noqday Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland

Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga mid noqday Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, kadib markii Guddiga Anshaxa iyo Arrimaha Golaha ay soo jeediyeen buuxinta kursi bannaan.

Guddiga ayaa go’aankan ku saleysay qodobbo Dastuurka Dawladda Puntland iyo Xeer-hoosaadka Golaha, oo ay ka mid yihiin:

Qodobka 61-aad ee Dastuurka Puntland,

Lifaaqa 4-aad ee Dastuurka Puntland, iyo Qodobka 62.3 farqadiisa 6-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, oo taariikhaysan 25 September 2024, ayaa lagu caddeeyay soo jeedinta xubintan. Sidoo kale, Isimka saxixaha kursiga ayaa soo gudbiyay warqad rasmi ah 10 October 2024, taas oo lagu xaqiijiyay in Liibaan Bedel Shiikh Maxamuud uu buuxiyay dhammaan shuruudaha xubinnimada Golaha.

Guddigu waxa uu sheegay in muhiimad gaar ah loo arkay buuxinta kursiga bannaan, si loo dardargeliyo hawlaha Golaha. Xildhibaanka cusub ayaa Golaha ka hor akhriyey taariikh nololeedkiisa ka hor inta Garsoore ka socda Maxkamadda sare aanu dhaarin.

Xildhibaanka cusub ayaa ku biiri doona Golaha Wakiillada Puntland, iyadoo muddada xileedkiisu ay dhammaaneyso 31 December 2029, haddii Alle idmo.

PUNTLAND POST