Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Fadhi wadajir ah ku ansixiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Maanta Fadhi wadajir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ayaa ansixiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Fadhiga Maanta ee Baarlamaanka ayaa waxa hareeyay buuq iyo sawaxan kadib markii ay Firinbi yeeriyeen Xildhibaanno ka tirsan Labada Aqal oo laga soo doorto Jubaland kuwaasi oo diiddanaa Ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa buuq iyo sawaxan kadib ku dhawaaqay in Xildhibaannada Labada Aqal ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sheegay in 169 xildhibaan u codeeyeen Ansixinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha halka sida uu tilmaamay 6 mudane diideen islamarkaana cid ka aamustay aysan jirin.

Guddigan oo sidoo kale ay Xalay ansixiyeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sida Dowladdu sheegtay wuxuu mas’uul ka yahay maamulidda Doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka iyo in ay hirgaliyaan doorashooyin qof iyo cod ah.

PUNTLAND POST