Israa’iil iyo dhaq dhaqaaqa Xisbullah oo kala saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo maanta dhaqan-galaya

Israa’iil iyo dhaq dhaqaaqa Xisbullah ayaa kala saxiixday heshiis xabbad joojin ah oo dhaqan-galaya maanta oo Arbacada ah, sidaasi waxaa xaqiijiyay madaxweynaha xilka ka sii dagaya ee Mareykanka Joe Biden.

Heshiiskan oo ay dhex-dhexaadiyeen dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska ayaa jidka u xaaraya dhammaadka colaaddii ka gaagneyd xadka Israa’iil iyo Lubnaan, taas oo gallaafatay nolosha kumannaan qof oo u badan Lubaaniis, tan iyo sannadki hore.

Biden ayaa hadalkan kaga dhawaaqay xafiiskiisa Aqalka Cad wax yar kaddib markii ay golaha wasiirrada Israa’iil dhankooda ka ansixiyeen xabbad-joojinta.
Wuxuu sheegay in uu la hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan Najiib Miiqaati.

Sida ku cad heshiiska labada dhinac ee Israa’iil iyo dhaq dhaqaaqa Xisbullah waxaa dagaalkii dhamaaday saaka afarti subaxnimo ee xilliga Bariga Dhexe.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay, in Israa’iil ay si tartiib tartiib ah ula bixi doonto ciidamadeeda mudda 60 maalmood ah iyadoo ciidamada Lubnaan ay la wareegayaan dhulka u dhow xadka ay la wadaagaan Israa’iil.

PUNTLAND POST