Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub oo Waraaqaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub

Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub H.E. Charles Michel ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub marwo Khadiija Cosoble Cali.

Danjire Khadiija Cosoble Cali ayaa si Rasmi ah Waraaqaheeda Aqoonsiga Safiirnimo ugu gudbisay Gudoomiyaha Golaha Midowga Yurub H.E. Charles Michel, waxaana ay ka wada-hadleen Xoojinga Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u qaabilsan Midowga Yurub marwo Khadiija Cosoble ayaa sheegtay in ay Charles Michel kala hadashay Xoojinta Xiriirka iyo Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Yurub.

Danjire Khadiija ayaa tilmaantay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga kala dhexeeya Midowga Yurub, si wax looga qabto caqabadaha adag ee ka taagan gobolka, loona helo xasillooni waarta.

PUNTLAND POST