Firdhiye waa inuusan noqonin aalad ay dowladda federaalku ku adeegato

W.Q: Siciid M. Sheekh Cali

Waxaa la filayay maamulka Firdhiye inuu si cad u sheego in kala mowqif yahay Puntland iyo Jubaland arrimmaha doorashada qof iyo cod ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku doonayso muddo kordhin.

Laascaanood (Faallo) — Hoggaamiyaha maamulka ku meelgaarka ah ee Sool, Sanaag, Cayn ee Khaatumo Cabdulqaadir Aw Cali (Firdhiye) waxaa soo foodsaaray caqabado siyaasadeed oo sababi kara inuu gudan waayo xilka saaran. In dadka Buuhoodle ku bannaanbexeen Firdhiye maalin kaddib markii uu khudbad ka jeediyay masjid ku yaalla magaalada waxay muujinaysaa inuusan si buuxda u fahansanayn sida la iskaga dhowro in loo arko hoggaamiye ay dad koobani u sheegaan beelaha uu la kulmi karo iyo beelaha kale. Xiriirkiisa dadweynuhu aad buu u hooseeyaa waayo ilaa hadda kama jawaabin tabashada ay soo gudbiyeen dadka sheegay inuu hoggaamiyaha SSCK ka soo qeybgali waayay martiqaad ay u fidiyeen isaga. Dad badan ayaa aamminsan in kooxda abaabushay booqashadiisa Buuhoodle ay kula taliyeen inuusan la kulmin qaar ka mid ah  hoggaamiyayaasha dhaqanka iyo siyaasadda ee Buuhoodle. Aamusnaantiisu waxay sii xoojinaysaa tuhunkaas.

Intaas waxaa dheer in toddobaad gudahiis uu maamulka SSCK weeraray siyaasadaha Puntland iyo maamulka Somaliland. Puntland waa maamul aqoonsan SSCK. Weli labada maamul ma kala bixin. Waxaa xusid mudan mowqifka uu dhowaan soo gudbiyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Lugatoor ku saabsan in ay jirto siyaasad ah in madaxda Puntland aysan ka hadlin maamulka SSCK. Lugatoor wuxuu dhaliilay Wasiirka Qorsheynta ee Puntland Daa’uud Bisinle oo jebiyay siyaasaddaas.

Firdhiye wuxuu dib ugu noqday jeedinta khudabadaha uusan ka baaraandegin. Tusaale, khudabaddii uu ka jeediyay masjidka Buuhoodle muu uga faa’iideysanin inuu ku soo gudbiyo siyaasadda SSCK ku salaysan nabad ku wada noolaansho iyo aamminsanaanta qarannimada Soomaaliya. Maamulka Somaliland ayaa sheeganayay “Jamhuuriyad” markii ciidammadiisu duqaynayeen Laascaanood. Firdhiye wuxuu u hadlay sida hoggaamiye u xilsaaran la dagaallanka mabda’a goosashada oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya si dadban   u taageersan tahay waayo waxay heshiis la saxiixatay maamulka Muuse Biixi bishii Diseembar 2023 colaadda Sool oo weli taagan. Firdhiye wuxuu ku tilmaamay heshiiskaas mid midnimada Soomaaliya lagu dhowrayo. Heshiiskii is afgarad ee badda ay Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed kala saxiixdeen ayaa muujiyay in dowladda federaalku goosatay miraha dibindaabyada ay u geysatay dadka SSCK.

Dhinacyo badan baa ka soo  horjeeda himilada dadka SSCK, hase ahaatee siyaasadda is burinta badan ee Firdhiye ayaa ah halista ugu weyn. Firdhiye maamulkiisu wuxuu taageeray doorashada Jubaland. Baarlamaanka SSCK wuxuu iska gartay dabinkii guddigii wax ka beddelka Dastuurka Federaalka oo booqanayay Laascaanood. Baarlamaanka SSCK wuxuu soo jeediyay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed raadiso  maamullada Puntland iyo Jubaland oo diiddan wax ka beddelka aan sharciga ahayn ee Dastuurka Federaalka. Waa wax aan la fahmi karin in maamulka SSCK uu taageersan yahay xubinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay u magacowday Guddiga Doorashooyinka uu Golaha Wasiirrada ee Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre uu soo gudbiyay. Waxaa la filayay maamulka Firdhiye inuu si cad u sheego in kala mowqif yahay Puntland iyo Jubaland arrimmaha doorashada qof iyo cod ay  Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku doonayso muddo kordhin.

Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan: “Marnaba maannu taageerin in colaad laga alooso Ceerigaabo.”

Maamulka Firdhiye wuxuu aamminsan yahay in SSCK ka qeybgali doonto doorashada soo socota heer federaal inkastoo ay Puntland ka soo horjeeddo sii jirista metelaadda xildhibaannada iyo senetarrada Dirta Waqooyi oo maamulka ay metelaan uu ka soo horjeedo qarannimada Soomaaliya. Hoggaamiye Firdhiye ma dhaliili karo goosasho-doonka (secessionists) isaga oo taageersan in maamulka Somaliland metelaad federaal ku leeyahay Labada Aqal iyo Dowladda Federaalka.

Arrinta kale uu maamulka SSCK ku haftay waa dadka SSCK beel ahaan ku abtirsada laakiin ku nool Ceerigaabo. Degmada Ceerigaabo waxay beeluhu ku deggan yihiin heshiis dhacay 1995kii. Waxaa degmada ka taliya maamulka Somaliland oo uu saaran yahay waajibka dhowrista nafta iyo maamulka dadka ku nool magaalada. Axmed Karaash, Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland, wuxuu doonayay in maamulka SSCK uu weerar ku qaado Ceerigaabo. Waxaa ka hor yimid madaxdhaqameedka SSCK. Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan ayaa sheegay in dadka SSCK marnaba aysan ku baaqin colaad ka dhan ah Ceerigaabo xitaa markii uu socday dagaalkii Laascaanood. Maamulka SSCK wuxuu dhowri karaa nolosha iyo hantida dadka ku nool degmooyinka maamulku ka taliyo. Maamulka SSCK xog buuxda kama hayo sababaha keenay dhimashada iyo dhaawaca dadka ku nool Ceerigaabo uu maamulku beel ahaan u metelo. Ma dhab baa in colaaddii ay  Laascaanood ay sababtay in maamulka Somaliland beegsanayo dadka SSCK ka soo jeeda ku nool Ceerigaabo? Ma SSCK baa diiddan in dadka SSCK ka soo jeeda ku hoos noolaadaan Maamulka Somaliland?

Su’aalahan iyo su’aalo kale waxay u baahan yihiin jawaabo laga baaraandegay. Waa in maamulka SSCK uusan soo saarin warqado xambaarsan hanjabaad ama xogo aan sugnayn waayo Firdhiye kama jawaabi karo su’aasha: Miyuu maamulka SSCK kala xiriiray maamulka degmada Ceerigaabo dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray dadka ku nool magaalada oo maamulkaagu metelo beel ahaan?

Maamulka Firdhiye kuma socon karo siyaasadaha halista ku ah danaha dadka SSCK oo naf iyo maal u huray in aan lagu qasbin mabda’ lagu kala goynayo Soomaaliya. Si uu xilka u sii hayo waa inuu Firdhiye si degdeg ah u turxaanbixiyo siyaasadaha gurracan ee hoggaamintiisu hadda ku salaysan tahay.    

W.Q: Siciid  M. Sheekh Cali