Dibad-baxayaasha Pakistan ee dalbanaya in la sii daayo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Imran Khan ayaa Talaadada maanta ah dilay afar ka mid ah ciidamada ammaanka, sida ay sheegtay dowladda, ayada oo dadkan isu soo baxay ay iska caabiyeen booliska oo ay xireen bartamaha caasimadda.
Kolonyada dibad-baxayaasha ah ee taageersan Khan ayaa ku socday Islamabad tan iyo Axadii, iyaga oo dhinac isaga riixay jidgooyooyinka loo dhigay, lana dagaalamay ciidamada booliska iyo kuwa milatariga oo adeegsanayey rasaasta rabadhka ah iyo sunta dadka ka ilmeysiisa.
In kasta oo la mamnuucay isu imaatinka dadweynaha, haddana saxafiyiin ka tirsan wakaaladda wararka ee AFP ayaa ku warramay in ay arkeen in ka badan toban kun oo mudaaharaadayaal ah oo ku sugnaa bartamaha Islamabad.
Qaarkood waxay ku hubaysnaayeen ulo iyo farganno, waxayna kaliya 1.6 km u jireen fagaare ku yaalla xeendaabka dawladda oo ay doonayaan inay qabsadaan.
Khan ayaa laga mamnuucay inuu u istaago doorashadii Febraayo oo ay hareeyeen eedeymo ku saabsan wax is-dabamarin, iyadoo ay garab socdeen daraasiin kiisas sharci ah oo uu ku andacooday in lagu xukumay si looga hortago soo laabashadiisa.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.