Golaha wasiirada dowladda Federaalka Soomaaliya oo caawa shir deg deg ah yeeshay ayaa ka horyimid doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee markii saddexaad lagu doortay madaxweyne Axmed Madoobe.
Qaraar ka soo baxay shir aan caadi ahayn oo ay caawa yeesheen Golaha wasiirada dowladda Federaalka ayaa sharci-darro ku tilmaamay doorashadii mar kale madaxweynaha Jubaland loogu doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) sida ku cad qararkaasi.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hortimid hannaanka loo soo xulay xildhibaanada Jubbaland iyo doorashada hoggaanka baarlamaanka Jubbaland waxaana ay dhammaan tallaabooyinkaasi ku tilmaantay kuwa baalmarsan sharciga iyo dastuurka dalka.
“Golaha Wasiirada ee XFS waxay go’aamiyeen in xubnaha xulan ee golaha wakiilada Jubbaland iyo is-doorashada hogaamiyihii hore ee Jubbaland ay labadaba yihiin kuwa sharci darro ah” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay shirkii deg dega ahaa ee golaha wasiirada Soomaaliya ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee Jubaland.
Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa sidoo kale ku amray garyaqaanka guud ee dowladda in uu dacwad ku soo oogo Axmed Madoobe taasi oo salka ku haysa ku tumashada xeerarka guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ku xadgudubka heshiisyada siyaasadeed ee dalka.
“Golaha wuxuu farayaa Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya in si degdeg ah uga howlgalo horgeynta Maxkamadda Sare ee Dalka dacwad lid ku ah dhammaan tallaabooyinka aan waafaqsanayn xeerarka Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka” ayuu sii raaciyay bayaanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.