Taliska Ciidamada difaaca Puntland oo ku dhawaaqay xaalad diyaar-garow iyo heegan dagaal ah

Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland Jeneraal, Aadan Cabdi Xaashi oo boogasho aan la sii shaacin ku tegey buuraleyda Galgala ayaa ku dhawaaqay xaalad diyaar-garow iyo heegan dagaal ah.

Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi, oo ay weheliyaan taliyaha qeybta 7aad ee gobolka bari G/Sare Barkhad Cabdullaahi Yusuf iyo saraakiil kale ayaa Sabtidii booqasho aan la sii shaacin ku tegey buuraleyda silsiladda Golis, gaar ahaanna saldhigyada Sugurre iyo Balli-khadar  oo ay difaac kaga jiraan ciidamada Puntland.

Taliyaha guud ee Ciidamada difaaca dowladda Puntland Jeneraal Aadan Cabdi Xaashi ayaa intii uu ku sugnaa saldhigyadaasi, waxa uu warbixin ka dhegeystay Saraakiisha kala duwan ee Ciidamada dowladda ee halkaasi deggan.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in taliyuhu uu faray dhammaan Ciidanka difaaca in ay isu diyaariyaan guluf Ciidan oo lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysata qaar ka mid ah degaannada buuralayda gobolka Bari.

“Taliyuhu wuxuu faray dhammaan Ciidanka difaaca in ay isu diyaariyaan gulufka Ciidan ee lagu soo afjarayo argagixisada ku dhuumaaleysata qaar ka mid ah deegaannada buuralayda Puntland, qorshahaasi oo hadda ah kan koowaad ee Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

PUNTLAND POST