Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixisay muhaajiriin Soomaali ah oo ku le’day badda

Safiirka Midowga Afrika u fadhiya dowladda Soomaaliya Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa faahfaahin ka bixiyay doonyo siday in ka badan 70 qof oo muhaajiriin Soomaali ah oo ku qalibmay wadanka Madakaskar.

Danjire Cabdullaahi Xaaji Warfaa ayaa sheegay in doomahan oo ahaa laba ay saarnayeen dad gaarayo 70 qof, waxaa ku dhintay in ka badan 28 Soomaali ah, halka 48 ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay soo bad-baadiyeen kaluumeysato u dhashay wadanka Madakaskar.

Safiir Warfaa ayaa intaasi ku daray in safaaradda ay waddo qorsha ah in dadkaa inta bad baaday sidii dalka loogu soo celin lahaa, isagoo sheegay in si dhaw loola socon doono dadka qaba dhaawacyada ee hadda gacanta ku heyso dowladda Madakaskar.

Sidoo kale waxa uu tacsi u diray dhammaan eheladii ay ka geeriyoodeen dadkaasi Soomaaliyeed, isagoona sheegay in safaaradda waddo dadaallo lagu ogaanayo halka laga soo ka xeeyay dadkan iyo goobta ay u socdeen.

PUNTLAND POST