Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Saaka hortegay Golaha Baarlamaanka

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland, oo uu hoggaaminayo Wasiir Siciid Jaamac Qorsheel ayaa Saaka oo Sabti ah hortegay Golaha Baarlamaanka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Siciid Qorsheel oo ay weheliyaan Mas’uuliyiinta Wasaaradda ayaa hortegay Fadhiga Saaka ee Golaha Wakiilada Puntland, si uu halkaasi uga jeediyo Warbixinta Waxqabadka Wasaaradda Caafimaadka.

“Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukuumadda, waxaana Golaha hor imanaya maanta mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Dawladda Puntland” ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Baarlamaanka.

Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo ku guda jira La-xisaabtanka Xukuumadda ayaa lagu wadaa in ay Wasiirka Su’aalo ka weydiiyaan Xaaladda Caafimaad ee Puntland, kadib markii uu Warbixintiisa jeediyo.

PUNTLAND POST