Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta fadhi wadajir ah ku ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Qaranka.
Fadhiga wadajirka ah ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Maanta yeesheen waxaa shir Guddoomiyay Guddoomiyaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo ay wehliyaan Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo ku xigeennada labada aqal.
Guddoomiyaha Guddiga KMG ah ee labada aqal ee Baarlamaanka dalka ugu qaabilsan diyaarinta Xeerarka Doorashooyinka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu horraym Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka.
Intaasi kadib, Xildhibaanadda labada aqal ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday xeerkani ayaa waxaa ogolaatay 169 Xildhibaan, laba mudane ayaa diiday, waxaana ka aamusay hal Xildhibaan, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh oo Fadhiga hadal kooba ka jeediyay ayaa labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga mahadceliyey ansixinta Hindisaha Xeerka Doorashooyinka Qaranka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.