Baarlamaanka Puntland oo maanta warbixin ka dhegeystay wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel

Baarlamaanka Puntland ayaa maanta warbixin ka dhegeystay wasiirka Caafimaadka Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka.

Wasiir Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay wehliyaan wasiiru-dawlaha, Ku-simaha agaasimaha guud iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa golaha Baarlamaanka la wadaagay warbixin ku saabsan waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray iyo caqabadaha jira.

Intaasi kadib, xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa wasiirka weydiiyay su’aalo ku saabsan heerka fulinta qorshayaashii caafimaad ee wasaaradda, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada & degmooyinka fog iyo tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka.

Sidoo kale, waxay wax ka weydiiyeen xaaladda isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku yaalla degaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn; miisaaniyadda iyo maareynta kharashaadka caafimaadka iyo sida loo hubiyo in ay si hufan u adeegaan baahiyaha bulshada; iyo heerka wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Puntland.

PUNTLAND POST