Maxkamadda Danbiyada dagaalka ee ICC oo soo saartay amar lagu xirayo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil

Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada (ICC) ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkii hore ee gaashaandhigga Yoav Gallant, iyo sidoo kale taliyaha milatariga Xamas Mohammed Deif.

“Garsoorayaasha waxay soo saareen amar lagu soo xirayo laba qof, Mr Benjamin Netanyahu iyo Mr Yoav Gallant, oo loo haysto dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada iyo dambiyo dagaal oo la galay ugu yaraan intii u dhaxeysay October 8 2023 illaa ugu yaraan May 20 2024, maalintii ay xeer-ilaalintu soo gudbisay codsiyada amarka xiritaan” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay ICC.

“Si kastaba, garsoorayaasha ayaa go’aansadey in la sii daayo xogta hoos ku qoran maadaama ay u muuqato in dhaqan la mid ah kii lagu xusay amarka xiritaan uu socdo. Intaa waxaa dheer, garsoorayaasha waxay u arkaan inay dani ugu jirto dhibanayaasha iyo qoysaskooda in la ogeysiiyo jiritaanka amarka xiritaan” ayuu sii raaciyay bayaanka ICC.

Dacwad-oogaha sare ee ICC Karim Khan ayaa bishii May ka codsaday maxkamadda inay soo saarto waaran qabasho oo ka dhan ah Netanyahu iyo Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadannimada oo ka dhacay Gaza.

Khan ayaa sidoo kale dalbaday waaran xiritaan oo ka dhan ah madaxda sare ee Xamas oo uu ku jiro Mohammed Deif oo looga shakisan yahay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha.

PUNTLAND POST