Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqday in ay dagaal sifayn ah ku qaadayso kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraleyda gobolka Bari.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in dowladdu qaadayso dagaal midaysan oo lagu sifaynayo kooxaha argagixisada ah ee ku sugan buuraha degaannada Puntland.
Madaxweyne Lugatoor ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Puntland in ay qayb ka noqdaan dagaalka lagu qaadayo argagixisada islamarkaana qof kasta qorigiisa qaato si degaannada Puntland looga sifeeyo argagixisada.
“Suuj iyo Garmaal waxaa lagu difaacay midnimada reer Puntland iyo qof kasta oo qorigiisa qaatay. Puntland waxay geli doontaa dagaalkii mid lamid ah oo xagjirka lagu la dirirayo” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.
“Waa dagaal ay Puntland u midoobi doonto waxaa la rabaa in gabdhuhu kimista dubaan iyo in qof kasta qorigiisa qaato si shar-wadayaasha looga sifeeyo degaannada Puntland” ayuu sii raaciyay Ilyaas Cismaan Lugatoor.
Dhawaqa madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya wakhti ay soo baxayaan warbixino sheegaya in argagixisada Daacish ku xoogaysatay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.