Xildhibaannada la soo xulay ee Baarlamaanka Jubaland oo maanta dooranaya guddoon cusub

Xildhibaannada la soo xulay ee Baarlamaanka Jubaland ayaa lagu wadaa in ay maanta oo Khamiis ah doortaan guddoon cusub, sida ku cad Jadwalka doorashooyinka Jubaland.

Musharrixiinta u tartamaya xilka guddoonka cusub ee Baarlamaanka Jubaland ayaa la filayaa in ay saaka jeediyaan khudbadahooda, islamarkaana ay qabsoonto doorashada guddoonka golaha wakiilada Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale xalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Jubaland Cabdi Yuusuf Cali.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Gudoomiyaha KMG ah ee golaha Baarlamaanka ayaa ka wada hadlay arrimaha doorashada guddoonka cusub ee golaha wakiilada, taasi oo maanta dhacaysa.

PUNTLAND POST