Reer galbeedka oo muwaadiniintooda u sheegaya suura-galnimada weeraro Nukliyeer ah

Dowladda Sweden ayaa bilowday in muwaadiniinta u sheegto surtagalnimada in ay dhici karaan weerarro nukliyeerka,iyadoo in ka badan shan milyan oo buuggag hagayaal ah loo diri doono muwaadiniinta.

Buugaagtani waxaa ku qoran in ay kaydiyaan cuntada, biyaha iyo waxyaabaha kale ee muhiimka ah , si la mid ah buugga hagaha ah ayaa siinaya tilmaamaha waxa ay u arkaan in ay ku badbaadi karaan haddii weerarro nukliyeer ah uu dhaco ama la galo dagaalka saddexaad ee adduunka.

Sidoo kale, Denmark ayaa la filayaa inay billaabi doonto qorshe dadka lagu barayo in ay la qabsadaan xaaladaha dagaalka oo ay ku jiraan in maalmo korontada, biyaha iyo  Internetka la jari doono, si haddii uu la galo dagaal weyne ay ula qabsadaan xaaladaha deg deg ah.

Xiisadda dagaal ee reer galbeedka iyo Ruushka ayaa hadda gashay waji cusub, taasi oo ku beertay waddamada Yurub in ay la kulmi karaan dagaal weyne dhalin kara dagaalka saddexaad ee adduunka.

PUNTLAND POST