Golaha Wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu sheegay in Golaha Xukuumadda Soomaaliya uu maanta ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed.

“Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee magacaabista Agaasimaha Guud ee Hey’adda Istaatistikada Qaranka, Dr.Cabdisalaan Cabdiraxmaan Maxamed” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, keydinta Bacrimiyayaasha Beeraha iyo horumarinta deegyada caafimaadka dalka.

PUNTLAND POST