Beesha Caalamka oo uu ugu baaqay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu ku laabto Shirkii Madasha Muqdisho

Saaxiibbada Beesha caalamka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Jubbaland in ay dib ugu laabato madasha Golaha Wadatashiga Qaran si loo xalliyo arrimaha u dhaxeeya Jubbaland iyo DFS

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayay Beesha caalamku ku booriyeen dhammaan dhinacyada in aysan ku degdegin dhammeystirka hannaan doorasho ka hor inta laga dhammaynayo arrimaha taagan.

Waxaa dhammaan dhinacyada loo soo jeediyay in ay ka fogaadaan wax kasta oo xaaladda uga sii daraya, isla markaana ay waqti siiyaan soo-celinta xiriirka iyo wada-xaajoodyada furan oo horseedi kara horumarinta ajandaha dawlad-dhiska iyo gaarista himilada hor-u-socodka ah ee qabashada doorasho qof iyo cod ah oo la isku wada raacsan yahay.

Sida lagu xusay war-murtiyeedka, Saaxiibada caalamku waxay Soomaaliya ka taageeraan horumarinta ajandayaasheeda dawlad-dhisidda, oo ay ku jiraan hamiga ah in si tartiib-tartiib ah loogu gudbo doorasho hal qof iyo hal cod ah iyada oo loo marayo nidaamyo codbixineed oo loo dhan yahay iyo ka qayb-qaadasho sii kordheysa.

PUNTLAND POST