Xuutiyiinta Yemen oo badda Cas ku weeraray Markab laga lee yahay Turkiga oo Israa’iil u socday

Kooxda Xuutiyiinta Yemen, ayaa markii u horreeysay weerarray markab laga leeyahay Turkiga oo isku dayay in uu adeegsado badda cas, isagoo shixnad u siday dekedaha Israa’iil.

Xuutiyiinta ayaa si toos ah u garaacay markabka iyagoo adeegsanaya gantaallada ballistic-ga , waxayna ku guuleysteen inay soo bandhigaan magaca markabka oo lagu sheegay Anadolu S, laakin marka la tixraaco markabka wuxuu soo galaya saaxiibbada Erdogan iyo xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Erdogan ee AK Party.

Markabka Anadolu S, wuxuu ka tirsan yahay shirkadda Oras Shipping ee fadhigeedu yahay Istanbul, waxaana leh ganacsadaha Turkiga ah ee Salih Zeki çakır — ganacsadahan iyo shirkadiisa waxay caan ku yihiin inay xiriir ganacsi la leeyihiin Israa’iil.

Ganacsatada Salih Zeki çakır , wuxuu xiriir ganacsi iyo saaxiibbo dhow la yahay xubno muhiim ah oo ka tirsan xisbiga Erdogan ee AK Party— dadka ay ganacsiga wadaagaan waxaa ka mid ah Wehbi Koch, oo ah xubin firfir-coon oo ka tirsan xisbiga AK Party.

Sidoo kale , Salih ayaa saaxiib dhow la ah qoyska ra’iisul wasaarihii u dambeeyay ee Turkiga , Bin Ali Yildirim oo ka tirsan xisbiga AK Party.

Erdogan wuxuu horey u sheegay inuu xiriirka ganacsi u jaray Israa’iil oo ay xigtay toddobaadyo ka hor in dhammaan nooc kasta oo xiriir inuu Turkiga u jaray Israa’iil.

PUNTLAND POST