Ukraine oo Ruushka ku ridday gantaalaha Ridada dheer ee Mareykanku sameeyay

Dowladda Ukraine ayaa marki ugu horreysay Ruushka ku ridday dhowr gantaal oo ah nuuca riddada dheer, kuwaasi oo ka mid ah hubka culus ee uu Mareykanka geeyay Ukraine.

Sida laga soo xigtay sarkaal Maraykan ah, Ukraine ayaa ridday ilaa siddeed ka mid ah gantaalladaasi, balse gantaallada difaaca cirka Ruushka ayaa ka hortagay laba ka mida. Sarkaalku waxa uu sheegay in Maraykanku uu wali qiimaynayo khasaaraha ka dhashay gantaalladaasi.

Wuxuu intaasi raaciyay balse in gantaaladu ay ku dhaceen goob sahayda rasaasta ah oo ku taal Karachev, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 18,000 oo qof oo ku taal gobolka Bryansk ee Ruushka.

Adeegsiga gantaallada loo yaqaanno ATACMS, ayaa yimid xilli uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu si rasmi ah hoos ugu dhigay marinka isticmaalka hubka niyukleerka, taas oo albaabada u fureysa suurtagalnimada jawaab ay Moscow ka bixiso weerar kasta oo kaga yimaada quwadaha taageera Ukraine.

PUNTLAND POST