Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee loo doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayuu dhambaal hambalyo ah ugu diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo saaka lagu dhawaaqay in uu ku guulaystay doorashadii qabsoontay 13 bishaan November.
“Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo loo doortay Madaxweynaha Maamulka Somaliland, Waxaan u rajeynayaa Madaxweynaha inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in Madaxweynaha cusub laga rajaynayo in uu dardargeliyo himillada shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada iyo wadajirka dalkeenna iyo dib usoo celinta wada hadaladii lagu mideynayey dowladnimada Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.