Madaxweyne Xasan Sheekh oo caddeeyay Mowqifka Villa Somalia ee Wada-hadalladii Somaliland kadib guusha Cabdiraxmaan Cirro

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Maamulka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo si dhow ula socday doorashada Somaliland uu hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo ku xigeenkiisa Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo u diray Xisbiyada Waddani, Kaah iyo Kulmiye oo ku soo baxay doorashadii Xisbiyada Somaliland waxaan uu bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland, sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay Villa Somalia.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta laba geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed” ayay sheegtay Villa Somalia.

PUNTLAND POST