Cabdiraxmaan Cirro oo ku guulaystay doorashadii xilka Madaxweynaha Somaliland

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka tartamayay xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa ku guulaystay xilka Madaxweynaha Somaliland.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf oo saaka shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ku dhawaaqay in mudane Cabdiraxmaan Cirro oo ku guulaystay xilka Madaxweynaha Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku guulaystay codad dhan %63.92 halka Madaxweynihii xilka hayay ee laga guulaystay Muuse Biixi oo ka tartamayay xisbiga Kulmiye uu helay  %34.81 sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada.

Guddoomiye Muuse Xasan ayaa sidoo kale shaaciyay in xilka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu ku guulaystay mudane Maxamed Cali Cabdi Muxumed oo isna ka tartamayay xisbiga Waddani ee helay xilka Madaxweynaha.

Muuse Xasan Yuusuf ayaa sidoo kale sheegay in xisbiga Waddani uu ku soo baxay kaalinta kowaad ee doorashadii xisbiyada halka kaalinta labaad uu galay ururkii Kaah oo xisbi noqday islamarkaana kaalinta saddexaad uu yimid xisbiga Kulmiye.

PUNTLAND POST