Magaalada Ceerigaabo oo gashay xaalad kacsanaan ah kadib dilkii caaqil Saalax Cali Gurey

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta degmada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, kadib markii saaka halkaasi lagu dilay guurti Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa odayaasha magaalada.

Dadweyne ka caraysan dilka marxuumka ayaa muddaharaad ka bilaabay xaafado ka tirsan Ceerigaab, waxaase si xoog ah ku kala ceyriyay ciidamada ka amar-qaata Somaliland, sida ay soo sheegayaan goob-joogayaal kala duwan

Ciidamada ayaa rasaas aan loo meel dayin u adeegsaday kala ceyrinta dadweynihii ka caraysnaa dilkii marxuum Saalax Maxamuud Cali Gurey, waxaana la sheegaya in ay jiraan shacab ku dhaawacmay rasaastaasi.

Marxuum Saalax Cali Gurey oo kamid ahaa guurtida sida weyn loogu yaqaan hawlaha nabadaynta iyo dib u heshiisinta bulshada ayaa saaka lagu toogtay bartamaha Ceerigaabo, siday xaqiijiyeen qoyskiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen, islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka.

PUNTLAND POST