Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka halkaasi lagu dilay mid kamid ah guurtida magaaalada.
Marxuum Saalax Maxamuud Cali Gurey oo kamid ahaa guurtida sida weyn loogu yaqaan hawlaha nabadaynta iyo dib u heshiisinta bulshada ayaa lagu toogtay bartamaha Ceerigaabo siday xaqiijiyeen qoyskiisa.
Wararka ayaa sheegaya in dabley hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan ay fuliyeen dilka marxuumka kadibna goobta isaga baxsadeen islamarkaana ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilka marxuumka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.