Taliyaha Booliska Soomaaliya oo shir la yeeshay Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Qoraal ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in S/Guuto Asad Diyaano uu Xafiiskiisa shir kula yeeshay Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

“Waxay ka wadahadleen xoojinta xiriirka Booliska iyo Safaaradda oo Dawladda Turkiga masuul uga ah taageerada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida dhinacyada tababarrada, taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda” ayaa lagu yiri qoraalkaasi.

Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa safiirka kala hadlay dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Booliska Soomaaliya.

PUNTLAND POST