Siilaanyo oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa ku geeryooday magaalada Hargeysa.

Geerida Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku soo beegantay xilli dhegta loo taagayo cidda ku guuleydan foonta kursiga madaxweynenimo ee Somaliland kaddib doorashadii arbacadii dhacday.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ka mid ahaa shaqsiyaadka ugu taariikhda weyn siyaasiyiinta Soomaalida. Xilkii ugu danbeeyay ee uu qabtay ayaa ahaa jagada madaxweynenimo ee Somaliland (2010-2017).

Marxuum Siilaanyo ayaa aas qaran Hargeysa loogu samayn doonaa maalinta isniinta, sida uu shaaciyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

PUNTLAND POST