Jubaland oo mar kale caddaysay in aysan qayb ka ahayn Doorashooyinka Villa Somalia waddo

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay caadaysatay ku tumashada dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka u yaalla, islamarkaana aysan wax la-tashi ah u ogolayn Dowlad Goboleedyada dalka.

“DFS waxay  caadaysatay ku tumashada Dastuurka, xeerarka kale ee dalka u yaala iyo latashi la’aanta Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Somaaliya ee arrimaha masiiriga ah ee taabanaya masiirka ummada Soomaaliyeed” ayay Jubaland ku sheegtay Warsaxaafadeed ay Galabta soo saartat.

Dowlad Goboleedka Jubaland waxay mar kale caddaysay in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka oo ay ku tilmaantay kuwa ee sharci-darro ah oo  aan heshiis lagu aheyn oo Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo, iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn.

“Dawladda Jubaland waxay mar kale cadeeynaysaa in aysan qayb ka ahayn, kana ahaandoonin, xeerarka Doorashooyinka ee sharci darada ah ee aan heshiiska lagu aheyn ee Baarlamanka Somaaliya uu isku dayayo in la meel mariyo iyadoo aan xitaa Koorumku u dhamaystirnayn” ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka Jubaland.

“Talaabada sharcidarada ah ee maanta Baarlamanka qaaday iyadoo wadahadalo iyo waan waan socotay Waxay cadeyn u tahay in madaxda dalka aysan diyaar u ahayn wadahadal, isdhagaysi, isixtiraam, iyo tanaasul loo sameeyo ummada Somaliyeed lana dhawro dastuurka, iyagoo caadeysatey dhaqanka ah ‘loo joojin mayo’ oo keenaysa Qalalaaso iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo hada sii xoogaysanaysa.”

Jubaland waxay sidoo kaleayaan darro ku tilmaaantay in Madaxda DFS ay dhegaha ka fureysteen baaqyada iyo talooyinka siyaasiyiinta iyo Bulashada Somaliyeed, iyagoo ay u cadaha waxa ay rabaan oo kaliya oo ah in labada Aqal ee Baarlamaanka ay marsadaan xeerar iyo habraacyo aan loo dhamayn.

Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka

PUNTLAND POST