Bilyaneerka Elon Musk iyo Safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay oo kulan gaar ah yeeshay

Elon Musk, bilyaneerka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump, ayaa la kulmay safiirka Iran u fadhiya Qaramada Midoobay si uu u qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Tehran iyo Washington.

Wargeyska The New York Times ayaa ka soo xigtay ilo-wareedyo aan la magacaabin oo Iiraaniyiin ah in ay ku tilmaameen kulanka dhexmaray ninka ugu taajisan adduunka iyo danjire Amir Saciid Iravani “mid wanaagsan.”

Kooxdii ololaha doorashada ee Trump oo uu ka tirsan yahay Elon Musk iyo ergada Iran ee Qaramada Midoobay midna si degdeg ah uma xaqiijin kulanka, iyadoo howlgalka Iran ee QM uu sheegay in aysan wax faallo ah ka bixineyn.

Kulankani, haddii la xaqiijiyo, wuxuu bixin karaa tilmaam horudhac oo ah in Trump ay dhab ka tahay diblomaasiyadda Iran, oo uusan dooraneyn habka dagaalka ahaa ee ay doorbidayaan xubno badan oo ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga iyo Israa’iil.

Waxay sidoo kale muujin doontaa mar kale saameynta aan caadiga ahayn ee Musk, milkiilaha Tesla iyo X, oo si joogta ah ugu dhow dhinaca Trump, iyada oo lagu soo waramayo inuu xitaa kala qeyb-galayey wada sheekeysiyada taleefoon ee hoggaamiyeyaasha adduunka.

PUNTLAND POST