Jamhuuriyiinta ayaa ku guuleystay aqlabiyadda Aqalka Wakiilada Mareykanka, ayaga oo dhameystiray isku mar ay kula wareegeen awoodda Aqalka Cad iyo Congress-ka Mareykanka, una gacan gelinaya madaxweynaha cusub Donald Trump awood sharci-dejin.
Ka dib in ka badan toddobaad tirin codadka ah, CNN iyo NBC ayaa saadaaliyay in xisbiga Trump uu gaaray 218-ka kursi ee loo baahan yahay si ay u sii haystaan aqlabiyadda aqalka hoose ee ka kooban 435-ka kursi, iyagoo horey ugala wareegay Senate-ka xisbiga Dimoqraadiga.
Trump ayaa ku guuleystey gobol kasta oo ka mid ahaa 7-dii gobol ee aadka loogu loolamaya ama loo yaqaan Swing States doorashadii madaxtinimo ee November 5, waxaana uu sidoo kale uu u muuqdaa in uu ku guuleystey codakda guud ee qaranka, iyada oo tirooyinka horudhaca ah ay muujinayaan in uu kaga horeeyo musharraxa xisbiga Dimuqraadiga Kamala Harris 3.2 milyan oo cod.
Haysashada labada aqal ee Congress-ka waxay u xaareysa dariiqa uu ku xaqiijin karo magacaabistiisa jagooyinka maamulkiisa ee muhiimka ah, waxayna sidoo kale u oggolaan doontaa inuu ku riixo ajandihiisa xagjirka ah ee masaafurinta ballaaran, canshuur dhimista iyo baabi’inta sharciyada qaar.
Dhinaca kale, xubnaha Jamhuuriga ee Senate-ka ayaa u doortay John Thune, inuu noqdo hogaamiyaha cusub ee aqlabiyadda – iyagoo codbixin sir ah ku diiday Rick Scott oo taageero ka haystay Trump.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.