Baarlamaanka Soomaaliya oo Sabtida u codaynaya Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Doorashooyinka

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadirsaan Fadhi wadajir ah, oo ay Sabtida berri ah yeelanayaan Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Qoraal kooban oo lala wadaagay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa laga codsaday in ay soo xaadiraan Kulanka oo ku saabsan ansixinta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka.

Ajandaha Fadhiga ayaa lagu sheegay Akhrinta Saddexaad iyo u Codaynta Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha, sida ku cad Wargelinta lala wadaagay Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka dalka.

Wargelinta waxa lagu xusay in sidoo kale Ajandaha Fadhiga berri uu ku jiro Akhriska labaad ee Hindisaha Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso Wargelinta

PUNTLAND POST