Cabdalle Kaylaco oo loo magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa Maanta oo Khamiis ah Xilka qaadis ku sameeyay Xoghayihii Dowladda Hoose ee degmada Garoowe.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi Faarax Juxaa ayaa xilka looga qaaday Xoghayihii Dowladda Hoose ee Caasimadda Garoowe Maxamuud Cali Gurey waxaana lagu magacaabay Xoghaye cusub.

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland ayaa u magacaabay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Caasimadda Garowe Cabdalle Maxamed Cabdalle (Kaylaco), sida lagu sheegay Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka.

Halkaan ka akhriso Magacaabista

PUNTLAND POST