Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda dowlada Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay laba eedeysane oo loo haysto in ay fuliyeen dil ka dhacay magaalada Muqdisho.
Cali Hilowle Ibraahim iyo Axmed Samatar Cali ayay hay’adda NISA warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ay ku eedeysan yihiin in ay fuliyeen dilka saddex muwaadin oo ganacsato ahaa, kuwaasi oo lagu dilay degmada Daaru Salaam ee Gobolka Banaadir.
Warbixinta hay’adda NISA ayaa intaasi dartay in ciidankeedu ay ku raad joogaan eedeysane saddexaad oo baxsad ah, si caddaaladda loo hor keeno, waxaana ay hay’adda xustay in ay ka go’an tahay cirib-tirka kooxaha argagixisada ah.
Halkaan ka akhriso warbixinta NISA
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.