Shacabka Somaliland oo saaka u dareeray doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada

Shacabka Somaliland ayaa saaka u dareeray doorashadii madaxtooyada iyo ururada oo ay ku dooranayaan madaxweynaha shanta sanno ee soo socota iyo saddexda xisbi ee Somaliland yeelanayso.

Doorashada Madaxtooyada waxaa ku tartamaya saddex musharrax oo kala ah; madaxweynaha xilka haya Muuse Biixi Cabdi, musharrax xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo musharrax xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.

Madaxweyne Biixi oo kulmiye iyo Musharraxa xisbiga Waddani ee Cabdiraxmaan Cirro ayaa loolanka ugu adag dhexmarayaa; iyada oo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo markii afraad tartamaya ay markaan dadku su’aal gelinayaan soo-bixista xisbigiisa UCID, maadaama uu wajahayo tartanka todoba urur oo xisbiyo doonaya.

Madaxweynaha mar kale sharraxan ee Muuse Biixi oo la weydiiyay su’aal ku saabsan in uu natiijada aqbalayo haddii doorashada lagaga guulaysto ayaa yiri”Go’aanka uu soo saaro Komishanku waan ku gawracannahay.”

PUNTLAND POST