Madaxweyne Donald Trump oo magacaabay ninkii musaafirin lahaa Soogalootiga Mareykanka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa Thomas Homan, oo mar soo noqday ku simaha Madaxa Waaxda Socdaalka teeramki koowaad ee Trump, u magacaabay in uu noqdo agaasimaha arrimaha xuduudaha Mareykanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa arrimaha bulshada ee Truth, ayuu Madaxweyne Donald Trump ku sheegay  in Homan oo 62 jir ah uu madax ka noqon doono arrimaha xuduudaha, laga soo billaabo xadka koofureed ee Mexico ilaa xadka waqooyi ee Canada.

Trump ayaa rumaysan in Homan nin fulin kara ballan-qaadkiisii ololaha doorashada ee ahaa in uu Mareykanka ka masaafurin doono malaayiin muhaajiriin ah oo aanan heysan dukumintiyada sharciga ah ee dalkaan, arrintaas oo uu ku tilmaamay Trump tarxiilki ugu weynaa taariikhda Mareykanka.

Trump ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu agaasime ku xigeenka madaxtooyada Aqalka Cad u magacaabo Stephen Miller, oo lagu sheego in uu yahay maskaxda ka danbeyso siyaasadda dhanka socdaalka ee madaxweyne Trump.

Madaxweynaha dooran ee Mareykanka, Donald Trump ayaa dib ugu laaban doono Aqalka Cad, 21-ka bisha January markaas oo uu xilka kala wareegi doono madaxweynaha xafiiska ka sii tagaya ee Joe Biden.

PUNTLAND POST