Dowladda Soomaaliya ayaa Warsaxaafadeed Rasmi ah ka soo saartay doorashooyinka Somaliland ee la qorsheeyay in ay qabsoomaan maalinta berri ah.
Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayay ku bogaadisay doorashooyinka qof iyo cod ee loo madlan yahay maalinta berri ah oo ku beegan 13 November 2024.
Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa ugu baaqday guddida doorashooyinka in ay hubiyaan in doorashadu ku dhacdo hannaan caddaalad ah oo ka fog musuq iyo eex islamarkaana dhex-dhexaad u noqdaan dhammaan xisbiyada tartamaya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku baaqday in doorashadu ay ku qabsoonto si nabdoon waxaana ay shacabka Somaliland ku boorrisay in ay ilaashadaan amniga iyo xasiloonida degaannadooda.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.