Madaxweynaha dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magacaabay guddiga madaxa banaan ee Xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland.
Xubnaha guddiga oo ka kooban todobo xubnood ayuu Madaxweyne Axmed Madoobe ku amray in ay soo diyaariyaan doorasho dad badan xilli dowladda Soomaaliya sheegtay in dalka laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah.
Guddigan la magacaabay ee doorashooyinka Jubaland ayaa la filayaa in ay dhawaan guda galaan howlaha doorashada dadban ee Baarlamaanka iyo Madaxtooyada dowlad goboleedka Jubaland.
Halkan ka akhriso warqada magacaabista
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.