![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2024/11/FB_IMG_1731237704346.jpg?resize=720%2C479&ssl=1)
Madaxtooyada Jubaland ayaa shaacisay in ay xiriirkii u jartay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu cirka isku shareeray Khilaafkii labada dhinac.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Jubaland ayay ku sheegtay in ay xiriirkii u jartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya inta ay ku soo laabanayso dastuurkii dalka islamarkaana tixgelinayso Rabitaanka shacabka Jubaland.
“Dowladda Jubbaland waxay caddeyneysaa inay hakisay xiriirikii wada-shaqeyneyd ee ay la laheyd xukuumadda federaalka Soomaaliya inta ay uga hoggaansameyso dastuurka dalka, ixtiraameysana rabitaanka shacabka Jubbaland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Jubaland.
Go’aanka ka soo baxay Jubaland ayaa jawaab u ahaa qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya kaasi oo ay ku diiday guddigii doorashada Jubaland ee Axmed Madoobe xalay magacaabay.
Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka
![](https://i0.wp.com/puntlandpost.net/wp-content/uploads/2024/11/FB_IMG_1731229879444.jpg?resize=720%2C899&ssl=1)
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.