Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada uu Madaxweyne Axmed Madoobe xalay ku magacaabay guddiga doorashooyinka Jubaland.
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya, ayay ku cambaareysay magacaabista guddiga doorashooyinka Jubaland, oo ay ku tilmaantay mid sharciga baal-marsan.
“Dowladda Federaalka waxey cambaareyneysaa tallaabada sharci darrada ah ee Mudane Ahmed Madobe ku magacaabay Guddi is doorasho” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Waxay uga digaysaa talaabo kasta oo sharci darro ah, taas oo abuuri karta qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dhaqaale, isla markaana kala qaybin karta bulshada reer Jubaland ee walaalaha ah” ayuu sii raaciyay qoraalka wasaaradda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale ku eedeysay Madaxweyne Axmed Madoobe in uu ka baxay heshiisyo siyaasadeed oo lagu go’aamiyay in dalka laga qabto doorasho qof iyo cod islamarkaana uu mas’uul ka yahay khilaafaadka jira.
Halkan ka akhriso qoraalka Wasaaradda
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.