Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe oo saaka la dhaarinayo

Xarunta hay’adda PDRC ee magaalada Garoowe waxaa saaka oo Sabti ah ka socota Munaasabaddda dhaarinta xubnaha cusub ee golaha degaanka Garoowe.

Xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Garoowe ayaa dhaarinta kadib u codayn doona dib u doorashada duqa caasimadda Geeddi Axmed Tuurre iyo ku xigeenkiisa Maxamed Cali Xamari oo labaduba ka tirsan xisbiga Kaah.

Tan ayaa ku timid heshiis dhawaan dhexnaray qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo lagu go’aamiyay in xisbi siyaasadeedka xukuumadda ee Kaah uu qaato maayirka caasimadda Garoowe iyo ku xigeenkiisa.

Waxaase heshiiskaasi si weyn uga horyimid inta badan xubnaha golaha degaanka degmada Garoowe oo doonayay in isbeddel maamul uu ka dhaco degmada Garoowe kuwaasi oo ugu danbayn dowladdu kala furfurtay islamarkaana meesha ka saartay qorshihii ay wadeen.

PUNTLAND POST