Dowladda Qatar oo dalkeeda ka ceyrinaysa hoggaanka Siyaasadda ururka Xamaas

Dowladda Qatar ayaa si cad ugu wargelisay hoggaanka ururka Xamaas ee ku sugan magaalada Dooxa in ay ka guuraan halkaasi, islamarkaana la xiro xafiiska siyaasadda Xamaas ee ka furnaa Dooxa.

Go’aankan waxaa la sheegay Qatar in ay qaadatay , kaddib markii lagu guul-darraystay in ururka Xamaas lagu cadaadiyo oggolaanshaha heshiis xabbad-joojin ah oo ka dhaca Gaza, si loo sii daayo maxaabiista Israa’iiliyiinta ah oo ay ku jiraan kuwa heysta dhalashada Mareykanka oo lagu hayo gudaha marinka Gaza.

Dowladda Mareykanka ayaa sida ilo diblomaasiyadeed xaqiijiyeen waxay u gudbisay dowladda Qatar in ay soo geba-gabeyso magangalyada ay siinayso hoggaanka Xamaas oo ay ka saarto dalkeeda, lana xiro xafiiska siyaasadda ururka Xamaas ee ku yaalla Dooxa.

Sida ay sheegtay CNN , dowladda Qatar si dhaqso ah ayay ugu hoggaansantay go’aanka ka yimid dhinaca Mareykanka waxayna si rasmi ah ugu wargelisay hoggaanka Xamaas in ay ka guuraan Qatar, lana soo geba-gabeeyay magangalyadii ay ku joogeen xarunta dalka Qatar ee Dooxa.

PUNTLAND POST