
Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa shaacisay qorshe ay sheegtay in ay Iran soo maleegtay kaasi oo ay rabtay in ay ku disho madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump.
Waaxda Caddaaladda waxay sheegtay in qorshaha dilka Trump ay Iran u adeegsatay nin lagu magacaabo Farhad Shakeri, kaas oo muddo ku qaatay xabsiyada Mareykanka, isla markaana gudaha Mareykanka ku leh saaxibbo khatar ah oo uu ku dhex bartay xabsiyada.
Shakeri waxa uu FBI-da u sheegay in uu bishii September uu xiriir la sameeyay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iran, kuwaas oo u sheegay in uu dhinac iska dhigo shaqooyinka uu hayo, isla markaana uu xoogga saaro kor kala socoshada dhaq-dhaqaaqa Trump kaddibna uu dilo.
Warkaan ayaa laga soo xigtay bayaanka ku qoran dacwad ay Waaxda Caddaaladda Mareykanka ka gudbisay Farxan Shakiri, kaas oo shalay loo diray Maxkamadda Federaaliga ah ee degmada Manhattan ee magaalada New York.
Ninkan lagu eedeeyay qorshaha dilka Trump ayaa sheegay in uu rabay in uu khaarijinta u adeegsado shabakad danbiilayaal ah oo uu ka sameeyay gudaha Mareykanka, sida ay warbixintu sheegtay.
Shakiri ayaa hadda baxsad ah kuna sugan Iran. Ciidanka ammaanka Mareykanka ayase falkan u xiray laba nin oo lagu eedeeyay in uu Shakiri qortay, kuwaas oo rabay in ay dilaan saxafiyadda caanka ah ee Irani-Mareykanka ah Masiix Cali-najaad.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.