Xoghayaha Guddiga Arimaha dibadda Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Shiinaha

Xoghayaha Guddiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali  Isaaq Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Jamhuuriyada Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Wang Yu.

Labada dhinac waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal ,gaar ahaan sii adkeynta shaqada labada Baarlamaan ee dhinaca xiriirka arrimaha dibadda sida uu sheegay Xoghayaha Guddiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Sayid Cali  Isaaq.

Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu ayaa ka hadlay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Shinaha Iyo Soomaaliya, isaga oo xusay ahmiyada ay leedahay Iskaashiga saaxiibtinimada ku dhisan ee ka dhaxeeya labada dal.

Xoghayaha Gudiga Arimaha dibadda Iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa safiirka uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageeradeeda Soomaaliya,waxa ayna ugu dambeyn isku afgarteen In la xoojiyo wada shaqeyn waarta oo dhexmarta dhinacyada baarlamaanka iyo dowladahaba.

PUNTLAND POST