Dowladda Mareykanka ayaa maanta oo Jimce ah xaqiijisay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee MQ-1C oo Mareykanku lee yahay ku dhacday degaanka Farsooley ee gobolka Shabeellada hoose 5 bishan November.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika oo loo soo gaabiyo (AFRICOM) ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaraddaasi dhacday uu Mareykanka lahaa.
Warbixinta waxaa lagu sheegay inan weli la aqoonsan ciladda keentay diyaaradan in ay dhacdo, balse waxaa la sheegay ina ysan jirin caddeymo muujinaya diyaaradan in la soo riday.
Diyaaradda MQ-1C, oo sidoo kale loo yaqaan ‘Grey Eagle’, ayaa qiimo ahaan joogta $21 milyan oo dollar , waana diyaarad joogga hoose ku socota , oo loo adeegsado howlgallada ilaalinta iyo sahaminta.
Degaanka ay diyaaradan ku dhacday ee Farsooley, ayaa ah tuulo ay maamusho kooxda Al-shabaab oo qiyaastii 130 km dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.