Dowladda Japan oo Soomaaliya ka cafisay deyn dhan $100 milyan oo Dollar

Dowladda Japan ayaa Soomaaliya ka cafisay in ka badan $100 milyan oo doollar oo deyn ah, kadib heshiis deyn cafin ah oo dhexmaray labada waddan.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Japan u fadhiya dalka Kenya Mr. OGIHARA Hiroshi ayaa si wadajir ah u saxiixay heshiis dowladda Japan kaga cafinayso Soomaaliya in ka badan $100 milyan oo deyn ah.

Heshiiskani uu saxiixay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa daba socda dhameystirka hannaanka deyn cafinta ee dal waliba gaarkiisa loola xaajoonayo, taas oo aheyd go’aankii ka soo baxay dalalka ku bahoobay naadiga Paris horraantii bishii Maarso ee 2024-ka.

Munaasibadda saxiixa oo koobnayd kadib, Biixi Imaan Cige Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa u mahadceliyay dowladda Japan ee sida deeqsinimada leh ugu dhawaaqday in ay cafiyeen dhammaan deymihii ay ku lahaayeen dowladda Soomaaliya.

Safiirka dowladda Japan oo hadal kooban ka jeediyay goobta saxiixa ayaa dhankiisa ballan qaaday in dowladdiisu ay sii wadi doonto la shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo ku garabsiinta Mashaariicda Horumarineed oo ay ka fuliyaan dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST